Madaxwayne Qoor Qoor oo magacaabay guddi baritaan ku sameeyo dhacdadii Galmudug
Published on December 12, 2020 by admin · No Comments
Waxaa Guddi baritaan ku sameeyo loo magacaabay dilkii arbacadii loo gaystay Sarakiil ka tirsan Ciidanka xooga dalka Soomaaliya waxaana guddigaan magacabay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Saraakisha la dilay ayaa waxaa tacshiirad ku furay gaari ay wateen dablay hubaysan kuwaas oo markiiba goobta ka baxsaday waxaana uu falkaan ka dhacay inta u dhaxayso Guriceel iyo Balanbale.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in guddigaan uu magacaabay Madaxwayne Qoor Qoor uu soo xaqiijin doono sida ay wax u dhaceen iyo cida gaysatay falkaan foosha xun.
Guddigaan la magacabay ayaa waxaa hogaaminaayo Wasiirka Amniga ee Galmudug, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Jaamac iyadoona ay qeyb ka yihiin Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud, taliyaha Nabadsugidda Galmudug, kusimaha taliyaha ahna taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Galmudug, Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Guddoomiyaha Dhuusamareeb, iyo Guddoomiyaha Degmada Balanbal.
Dhamman guddigaan ayaa waxa looga fadhiya inay war rasmi ah kasoo saraan dilka loo gaystay Sarakiisha xooga dalka islamarkaana Maxkamad la horkeeno raggii gaystay dil wadareedka.
Tags: Galmudug, Qoor qoor
January 11, 2021
BREAKING NEWS: PUNTLAND ELDERLY LEADERS SPEAKS ABOUT FEDERAL ...
January 7, 2021
BREAKING: White House forcefully confiscated after protesters loyal ...
December 31, 2020
EX PRESIDENTIAL BERNIE SANDERS speaks on floor of ...
December 14, 2020
Munaasabad Lagu Taageerayay Musharax Xildhibaan Ee Beesha Nuux ...
December 14, 2020
TALOOYIN IYO SIRAHA AY HAWEENKU KU KASBAN KARAAN ...
December 14, 2020
XOG KU SAABSAN QAABKI LOO DILAY SARAAKIISHI BEESHA ...
December 13, 2020
Waxaa saaka guud ahaanba magaalada Garoowe laga saaray ...
December 13, 2020
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda fedraalka ah ee Soomaaliya Maxamed ...
December 13, 2020
Gudiga Amniga Doorashooyinka Qaranka oo kulan uga furmay ...
December 13, 2020
ALSHABAAB OO SHAACISAY SOONA BANDHIGTAY MAGACYADII RAGII WEERARAY ...
December 13, 2020
Kulanka oo ay ka soo Qeyb galeen Horjooga ...
December 13, 2020
Gabdho soomaali ah oo ku nool Muqdisho ayaa ...
December 13, 2020
Dagaal ka dhex Taagan Dowlada Turkiga iyo IRAN
Dagaalka ...
December 12, 2020
Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya kana mid ah ...
December 12, 2020
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa gabi ahaanba diidday ...