Bannaanbax ballaarana ayaa Saaka ka socda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana lasoo warinayaa in haatan uu sii xoogaystay.
Magaalada Baladweyne ayaa Saaka ku waaberiisatay Bannaanbax iyo dagaal isgarab socda, waxaana Oroornimadii hore ee Saaka Magaalada ka dhacay iska hor imaad, iyadoo haddana uu socdo Bannaanbax ballaaran oo ay dhigayaan bulshada reer Baladweyne.
Bannaanbaxa ayaa ah mid looga oo horjeedo maamulka Hir-Shabeelle, waxaana la filayay in Madaxweynaha Hirshabeelle uu Maanta gaaro Magaalada Baladweyne, balse taasi waxaa saaka si weyn kaga carooday bulshada Baladweyne oo la sheegay in ay kasoo horjeedaan imaanshiyaha Cali Guudlaawe ee magaalada Baladweyne.
Waddooyinka waa weyn ee Magaalada Baladweyne ayaa shacabku waxaa ay ku jareen dhagxaan, waxaana sidoo kale socda qalalaase xooggan oo ay wadaan shacabku, iyadoo ay muuqdaan rabshado ay sameeynayaan dadka dhigaya Bannaanbaxa, waxaana waddooyinka ay ku gooyeen dhagxaan iyo Taayeero.
Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa Saaka kacsan, Waxaana Wararku ay sheegayaan in Jabhadda Hubeysan ee la magac-baxday Xaq u dirirka Hiiraan ay Oroornimadii hore ee Saaka ay la wareegeen qeybo kamid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-taako iyo aga-gaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.
Iska hor imaad socday muddo kooban ayaa dhexmaray jamhadda iyo Ciidanka Dowladda oo ka kooban Boolis, iska hor imaadkaas oo socday muddo kooban ayaa istaagay, welina si sax looma oga khasaaraha ka dhashay.
Tags: Beledweyne, Jubbanews.com