Tuesday, January 26th, 2021

Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo Go,aan Kasoo saartay Doorashadii Madaxweyne Ee Dalkaas.

Published on December 12, 2020 by   ·   No Comments

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa gabi ahaanba diidday dacwad uu gobolka Texas u gudbiyay oo lagu rabay in lagu laalo codbixinti gobollada Georgia, Michigan, Pennsylvania and Wisconsin oo uu Biden uga guuleystay Trump.

Dacwadda gobolka Texas ayaa waxaa taageeray in ka badan 100 mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, kuwaas oo rajo ka qabay in Maxkamadda Sare ay tuurto natiijada doorashadi madaxtinimada ee afar gobol oo ka tirsan Mareykanka oo uu ku guuleystay Joe Biden.

Go’aan kooban oo kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay, in Texas uusan sharci u laheyn inuu dacwad ka keeno kiis ka dhan ah gobollada Georgia, Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin.

Kiiskan ayaa waxaa talaadadi Maxkamadda Sare u gudbiyay Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Texas oo ah Jamhuuri, isla markiiba waxaa taageeray kiiska xeer ilaaliyaasha 19 gobol oo ka mid gobollada Mareykanka iyo 129 mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Congress ka.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa waxaa qaadi ka ah 9 garsoore oo 6 ka mid ahi yihiin Jamhuuri. Saddex ka mid ah waxaa magacaabay Trump, midkoodna kama uusan hadlin dacwaddaan.

Go’aankan ayaa dhabar-jab ku ah rajadi uu madaxweynaha xilka kasii dhamanayo ka lahaa in maxkamadda sare ay ku diido natiijada doorshada uu ku guuleystay madaxweynaha la doortay Joe Biden.

Maalinta Isniinta ah ayay kulmi doonaan xubnaha Ergooyinka leh codbixinta ugu danbeysa ee doorashada Madaxweynaha Mareykanka, kuuwaasoo loo yaqaano Electoral College.

Tags: ,

Readers Comments (0)



Latest News

QUICK FACTS: PUNTLAND ELDERLY LEADERS SPEAKS ABOUT FEDERAL GOVERNMENT ELECTIONS, WARNS PUNTLAND PRESIDENT

January 11, 2021
BREAKING NEWS: PUNTLAND ELDERLY LEADERS SPEAKS ABOUT FEDERAL ...

QUICK FACTS: The White House is forcibly taken over.

January 7, 2021
BREAKING: White House forcefully confiscated after protesters loyal ...

EX PRESIDENTIAL BERNIE SANDERS speaks on floor of the U.S. Senate to debate $2,000 stimulus checks of covid 19 family Relief.

December 31, 2020
EX PRESIDENTIAL BERNIE SANDERS speaks on floor of ...

Munaasabad Lagu Taageerayay Musharax Xildhibaan Ee Beesha Nuux Maxamud AbdiNasir Ali Egal oo Kismaayo Lagu Qabtay

December 14, 2020
Munaasabad Lagu Taageerayay Musharax Xildhibaan Ee Beesha Nuux ...

TALOOYIN IYO SIRAHA AY HAWEENKU KU KASBAN KARAAN QALBIGA NINKOODA

December 14, 2020
TALOOYIN IYO SIRAHA AY HAWEENKU KU KASBAN KARAAN ...

XOG KU SAABSAN QAABKI LOO DILAY SARAAKIISHI BEESHA MAREEXAAN IYO SABABTI LOO DILAY.

December 14, 2020
XOG KU SAABSAN QAABKI LOO DILAY SARAAKIISHI BEESHA ...

Ciidankii Ra’iisul Wasaare Rooble oo si deg deg ah looga saaray magaalada Garoowe.

December 13, 2020
Waxaa saaka guud ahaanba magaalada Garoowe laga saaray ...

Madaxweynaha Puntland oo shuruud ku xiray Magacaabida Xubnaha Guddiga doorashooyinka.

December 13, 2020
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda fedraalka ah ee Soomaaliya Maxamed ...

Gudiga Amniga Doorashooyinka Qaranka oo kulan uga furmay Muqdisho.

December 13, 2020
Gudiga Amniga Doorashooyinka Qaranka oo kulan uga furmay ...

ALSHABAAB OO SHAACISAY SOONA BANDHIGTAY MAGACYADII RAGII WEERARAY HOTELKI NAIROBI KENYA

December 13, 2020
ALSHABAAB OO SHAACISAY SOONA BANDHIGTAY MAGACYADII RAGII WEERARAY ...

Kulan Wada Tashi ah isla Markaana Kalsooni Loogu Muujinayay Musharax Xildhibaan AbdiNasir Ali Cige Ayaa Beesha Nuux Maxamuud ku Yeelatay Magaalada Kismaayo

December 13, 2020
Kulanka oo ay ka soo Qeyb galeen Horjooga ...

Gabdho soomaali ah oo ku nool Muqdisho ayaa waxa ay shaaciyeen in ay isu Galmoodaan oo ay is qabaan

December 13, 2020
Gabdho soomaali ah oo ku nool Muqdisho ayaa ...

Dagaal ka dhex Taagan Dowlada Turkiga iyo IRAN

December 13, 2020
Dagaal ka dhex Taagan Dowlada Turkiga iyo IRAN Dagaalka ...

Goodax Barre oo shaaciyey qorshe laga lahaa doorashadii Jowhar kana hadlay mowqifka reer Hiiraan

December 12, 2020
Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya kana mid ah ...

Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo Go,aan Kasoo saartay Doorashadii Madaxweyne Ee Dalkaas.

December 12, 2020
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa gabi ahaanba diidday ...

Skip to toolbar